Raggu ma jecla dumarka calaamadahaan leh
Raggu ma jecla dumarka calaamadahaan leh Ragga leh mustaqbal jecelna in carruurtooda u dooraan Hooyo wanaagsan waxay ka fikiraan in ay helaan gabar wanaagsan oo ilaalisa sharafkiisa iyo tan qoyskiisa. Waxyaabaha ugu waa weyn oo kaga tagaan gabdhaha ay la haasaawayaan waxaa kamid ah. 1- Gabadha qaawan ama jirkeeda banaanka keenta oo aan asturneen. Dumarka nuucaan ah raggu kama helaan sababtoo ah ma jiro qof ogol ama raali ku noqon kara in xaaskiisa jirkeeda nin kale daawado.! 2- Gabdhaha wareegga badan, ragga mustaqbalka leh kama helaan gabdhaha wareega badan oo 24-ka saac socod ku jira, badanaa ragu waxay ka helaan haweenka ku nagaada reerka ilaa daruuf maahine, balse kama helaan gabadha albaab kasta taagan. 3- Gabdhaha Afka dheer, ragga Soomaaliyeed waxay aad u qiimeeyaan dumarka afka gaaban xishoota ee aan dhac dhaca badneen. Gabdhaha aan qof kasta afka la gelin. Tusaale, xiliyada waxbarashada ama goobaha shaqada gabdhaha afka gaaban ee dadka dhaxge...