halkan kala soco wax yabaha aan so dhigno

Image
  Mowduuc Dhaqan & Bulsho (Article Dheer) ​Ciwaanka: Dalxiis, Dhaqan iyo Dookh Wanaagsan: Barwaaqada Dhulkeena iyo Kulanka Asxaabta. ​ Hordhaca: Nolosha casriga ah mararka qaar waa mid mashquul badan, laakiin sawirkan wuxuu ina xasuusinayaa quruxda fudud ee nolosheena. Meel cagaaran, hawo nadiif ah, miraha dalkeena (Qaraha iyo Mooska), iyo wejiyo faraxsan oo wadaagaya sheeko iyo qosol. ​Qodobada Muhiimka ah ee qoraalka: ​Walaaltinimada: Sida ay dhalinyaradu isugu yimaadeen iyagoo ku raaxaysanaya jawi deggan. Tani waa astaan muujinaysa midnimada iyo is-jaceylka bulshada. ​Kheyraadka Dalka: Sawirka waxaa ka muuqda qaraha iyo mooska oo ah astaan u ah barwaaqada dhulkeena Soomaaliyeed. "Dhulkeenu waa hodan haddii laga faa'iidaysto." ​Nasashada Maskaxda: Muhiimadda ay leedahay in mararka qaar magaalada laga baxo oo loo dalxiiso deegaannada dabiiciga ah (Nature). ​Gebagebo: Digital Absuge wuxuu dhiirigelinayaa in la joogteeyo kulamada noocan ah oo kale, kuwaas oo xoojiya xi...

Raggu ma jecla dumarka calaamadahaan leh

 Raggu ma jecla dumarka calaamadahaan leh 



Ragga leh mustaqbal jecelna in carruurtooda u dooraan Hooyo wanaagsan waxay ka fikiraan in ay helaan gabar wanaagsan oo ilaalisa sharafkiisa iyo tan qoyskiisa. 


Waxyaabaha ugu waa weyn oo kaga tagaan gabdhaha ay la haasaawayaan waxaa kamid ah. 


1- Gabadha qaawan ama jirkeeda banaanka keenta oo aan asturneen. Dumarka nuucaan ah raggu kama helaan sababtoo ah ma jiro qof ogol ama raali ku noqon kara in xaaskiisa jirkeeda nin kale daawado.! 


2- Gabdhaha wareegga badan, ragga mustaqbalka leh kama helaan gabdhaha wareega badan oo 24-ka saac socod ku jira, badanaa ragu waxay ka helaan haweenka ku nagaada reerka ilaa daruuf maahine, balse kama helaan gabadha albaab kasta taagan. 


3- Gabdhaha Afka dheer, ragga Soomaaliyeed waxay aad u qiimeeyaan dumarka afka gaaban xishoota ee aan dhac dhaca badneen. Gabdhaha aan qof kasta afka la gelin. Tusaale, xiliyada waxbarashada ama goobaha shaqada gabdhaha afka gaaban ee dadka dhaxgelin waa ka tilmaaman yihiin kuwa kale, waxaaba dhacda in mararka qaar tusaale loo soo qaato "heblaayo waa qof af-gaaban oo aan dadka dulmin"


4- Gabdhaha xanaaqa badan, xanaaqa iyo buuqa waa mid kamid ah mucjisooyinka heesta qoysas badan, ragga oo la daala dhacaya ka mira dhalinta yoolkooda kama helaan dumarka qeylida badan, xanaaqa joogtada ah iyo buuqa aan dhamaanin la yimaada iyo madax adeegga. 


Raggu waa ku qayirmaan buuqa sababtoo ah waxay u badan yihiin dad shaqeeya oo daalan, qaarkood ayaa buuq dartiis u naca imaanshaha reerkooda ama uu kaga bur-buraa. 


5- Gabdhaha ku af-celiya waalidkiisa, badanaa raggu ma jecla dumarka aan si wanaagsan ula dhaqman waalidkiisa Hooyo iyo Aabe, waalidku xataa haddii uu qaldanyahay waa waalid waxaana dhacda in guryo badan ku dumaan arrimo nuucaan, raggu waxay aad u daneeyaan gabdhaha si wanaagsan ula dhaqma waalidkiisa ilaa xad. 


Qaar kale oo badan ayaa jira balse intaan waxay qeyb ka yihiin kuwa ugu muhiimsan ama ugu horreeyo

W/Q Xasan Absuge 

Comments