halkan kala soco wax yabaha aan so dhigno

Image
  Mowduuc Dhaqan & Bulsho (Article Dheer) ​Ciwaanka: Dalxiis, Dhaqan iyo Dookh Wanaagsan: Barwaaqada Dhulkeena iyo Kulanka Asxaabta. ​ Hordhaca: Nolosha casriga ah mararka qaar waa mid mashquul badan, laakiin sawirkan wuxuu ina xasuusinayaa quruxda fudud ee nolosheena. Meel cagaaran, hawo nadiif ah, miraha dalkeena (Qaraha iyo Mooska), iyo wejiyo faraxsan oo wadaagaya sheeko iyo qosol. ​Qodobada Muhiimka ah ee qoraalka: ​Walaaltinimada: Sida ay dhalinyaradu isugu yimaadeen iyagoo ku raaxaysanaya jawi deggan. Tani waa astaan muujinaysa midnimada iyo is-jaceylka bulshada. ​Kheyraadka Dalka: Sawirka waxaa ka muuqda qaraha iyo mooska oo ah astaan u ah barwaaqada dhulkeena Soomaaliyeed. "Dhulkeenu waa hodan haddii laga faa'iidaysto." ​Nasashada Maskaxda: Muhiimadda ay leedahay in mararka qaar magaalada laga baxo oo loo dalxiiso deegaannada dabiiciga ah (Nature). ​Gebagebo: Digital Absuge wuxuu dhiirigelinayaa in la joogteeyo kulamada noocan ah oo kale, kuwaas oo xoojiya xi...

qiso jaceyl xanuun badan

✔️Qiso Jacayl. W/X Salmaan mahad farax Waligaa qof qalbigu dhaawacanyahy maku soo ag fadhiistay oo dareenkiisa ma is yidhi ka qari hadana makaa qarin waayey. ✔️Ruuxa uu jecelyahay waxa uu jeclaa mayee waxay is jeclaayeen mudo 4 sanno ah. Anigu isaga waan aqaanaa i
a-original-height="639" data-original-width="639" src="https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEjNpQ21nj_96ga9OrRFZE8bIhWv1W_dFfqGFXJFZGgv0B3AfOZo211WSTR9fZM9QwgkWyXuRVM_nsBy8N0k7bFStIqnvkSxHeMlpjL3TjmrPwLQ12NkFXaQjFGv_1mnNiuyAUrgEsLhGPw/s320/received_702605220693270.jpeg"/>
yadana waan aqaanaa jacaylkoodana waan a
qaanaa waayaha ay isla soo mareen waan aqaanaa. Mudada ay is jeclaayeen waxaan marag iyo markhaati ka ahaa isagu in aaanu gabdh kale eegin maya xataa salaami jirin isagoo balanka iyo xadiga dhawraaya awgeed. Iyada se anigu ma ogi. ✔️Haduu suuqa baxaayo, haduu safar galaayo iyo haduu aroos qabanaayaba iyaduu usheegi jiray ogaysiin jiray ka fasax qaadan jiray. Jacaylkaa dhabta ah ayaa sidanee. ✔️Waxaan marag ka ahaa inuu jacaylka uu jecelyahay uu ka badnaa jacaylka uu naftiisa jecelyahay. Haduu kun iyo kumanaan qof dhex fadhiyo oo ay soo wacdo iyadu waxa uu ku bilaabi jiray xbb noloshaydiiyeey iiwaran. Kalsoonida uu jacaylkiisa ku qabo ayaa sababay inaanuu dadkaa badan kala xishoon inuu gacalisadiisa ugu muujiyo dareenkiisa jacayl. ✔️Iyada anigu waxaan ogaa oo keliya inay daneen jirtay badanaana wakhti la qaadan jirtay balse maan hubin inay keligii la xidhiidhi jirtay. Xaqeeda ma duudsinaayo balse waa intaan dareen ka haystay. ✔️Hadalkaygu yaanu badnaanee jacaylkii mudadaa soo socday ee dhib iyo dhaxanba laga dhawraayey xaga uu ku danbeeyey aan idiin sheego. ✔️Waxa uu iigu yimi goob yar oo aan fadhiisto badanaa aan layga waayin. Bariido iyo salaan kadib waxaan waydiiyey dumaashiday iiga waran. Wuxuu igu yidhi way wacantay. Jawaab celintiisa waxaan ka dareemay in aanu gacanba ku hayn. Waxaan idhi ma waxbaa jira aad iga qarinayso? ✔️Wuxuu yidhi "Gabdhii aan noloshayda ku xidhay Gabdhii aan sida dhabta u jeclaa Gabadhii aan aawadeedna dumar uga fogaaday shalaybuu meherkeedu dhacay!! Waxay xilihiisa noqotay nin asaagay ah. Waxa uu hadalka ii raacshay Aabaheed ayaa nin Qurbaha ka yimi kudaray!!". ✔️Wuxuu iyidhi Qadarka rabbi ayaa sidaa ahaa waxaana laga yaabaa in allah Qof ka wanagsan ila rabo. Jacaylkii dhallaannimo Lagu dhisay kalsonida Ee dhumucda waynaa Hadda wuu is dhalan rogay.!! Marka laba is dhaarsaday Isu qubay xinjiro dhiig Midba dhinac la gaystoo La dhan taalo caashaqa dhadhan maleh adduunyadu.!! Inkastoo qoraal dhacay Dhudi uu ninkale helay Wali maan is dhiibine Jawaab baan dhursugaya Aan ka helo dhamaystii Na dhexmaray axdiga adag. kollay dhuuni raac iyo Ma ahayn dhalaal jecel Imana sii sateen dhoof Ama dhulal shisheeyee Dhib ka wayn ayaa jira.!! Waddnahay ku dhararrayd Qalbigana dhexdiisay Daganayd dhawaanahan Sida dhibicda roob kay U dhex taallay naxariis.!!! Wali dhaawac baan ahay Mana dhiman ma nooliye Hay dhaydee fariimahan Dhagta maad u saartaan.!! W/Q Xasan maxamed absuge La wadaag asxaabtaada.

Comments

hidaha iyo dhaqan

Sheeko xigmad leh