Sheeko xigmad leh
Wuxuu yiri ”makula fariisan karaa?”, waxay tiri ”Ma waxaad i
mooddey dumarka jirkooda ka ganacsada?!” – Bal dhowr waxa
uu ku dhigo kaddib
Wuxuu soo galay maqaaxi wuxuuna arkay iyadoo kaligeed
fadhisa. Wuxuu ku yiri ”ma kula fadhiisan karaa?”
Cod dheer ayeey oo ay dadka maqashiinayso ayay ku tiri
”waan kula seexanayaa maxaad ka waddaa yaad ii malaysay?
Ma kuwa jirkooda ka ganacsada?!!”
Dadkii oo dhan ayaa deeto soo wada eegay. Isagoo aad u
khajilsan oo xishoonaya ayuu kursi kaligiis meel gooni ah ku
fadhiistay.
Xoogaa kaddib ayay inta hilhilatay u tagtay oo agtiisa intay
fadhiisatay ku tiri ”waxaan bartay cilmi nafsiga, waxa rabey
inaan ogaado marki lagu dulmiyo sida aad noqoneyso.”
Intuu istaagay ayuu cod dheer ku yiri: $3000 oo doollar ma
bixin karo hal habeen?!!”
Deeto dadkii oo dhan baa iyadii soo eegay gabadhii iyadoo la
leeyahay ”waaba run illeen, waaba u tagtay ma u jeedaan oo
lacag ayayba ka rabtaa.”
Isna inta afka dhagta u saaray ayuu ku yiri; ”Waxan bartay
QAANUUNKA waxaan ahay qarreen oo waxaan aqaannaa sida
loo soo dhacsado xaqa iga maqan, marka raalli noqo!”
Comments
Post a Comment