halkan kala soco wax yabaha aan so dhigno

Image
  Mowduuc Dhaqan & Bulsho (Article Dheer) ​Ciwaanka: Dalxiis, Dhaqan iyo Dookh Wanaagsan: Barwaaqada Dhulkeena iyo Kulanka Asxaabta. ​ Hordhaca: Nolosha casriga ah mararka qaar waa mid mashquul badan, laakiin sawirkan wuxuu ina xasuusinayaa quruxda fudud ee nolosheena. Meel cagaaran, hawo nadiif ah, miraha dalkeena (Qaraha iyo Mooska), iyo wejiyo faraxsan oo wadaagaya sheeko iyo qosol. ​Qodobada Muhiimka ah ee qoraalka: ​Walaaltinimada: Sida ay dhalinyaradu isugu yimaadeen iyagoo ku raaxaysanaya jawi deggan. Tani waa astaan muujinaysa midnimada iyo is-jaceylka bulshada. ​Kheyraadka Dalka: Sawirka waxaa ka muuqda qaraha iyo mooska oo ah astaan u ah barwaaqada dhulkeena Soomaaliyeed. "Dhulkeenu waa hodan haddii laga faa'iidaysto." ​Nasashada Maskaxda: Muhiimadda ay leedahay in mararka qaar magaalada laga baxo oo loo dalxiiso deegaannada dabiiciga ah (Nature). ​Gebagebo: Digital Absuge wuxuu dhiirigelinayaa in la joogteeyo kulamada noocan ah oo kale, kuwaas oo xoojiya xi...
1. daacadnimo: ma jirto wax ka qaalisan oo lagu farxo lamaane daacad kuu ah markaasna ka shaqaynay sidii aad u higsan lagayd horumarka aad ka damacsantahay nolosha. 2. howlkarnimo iyo firfircooni: labada qof ee is qaba marka ay doonayaan in gurigoodu uu noqdo beer dhalaalaysa oo loosoo xiiso waa in laga helaa labada lamaane mid walba howlkarnimo dheeraad ah oo uu muujiyo xiliga guriga iyo bulshada dhexdeeda intaba. 3. qalbi furnaan: guriga lamaanaha ku nooli haday kala aaminsanyihiin waxyaalo keeni kara aamusnaan, baqdin iyo canaan waxaa dawo u noqon kara in labada ruux ay isu muujiyaan qalbi furnaan iyo kalgacayl. 4. qiimayn: guri aan qiimayn iyo ixtiraam oolin ha noqoto labada lamaane ee is qaba ama xigaalka, deriska iyo xididkee waxa uu noqonayaa meel aan la jecclaysan waxaana ka soo baxaya farxad la'aan keeni akarta dhibaato weyn. 5. nadaafad: bilnaanta jir ahaaneed, guri ahaaneed iyo muuqaal wanaagsan waxay kordhiyaan oo kor u qaadaan xubiga iyo wanaaga ay isku hayaan labada lamaane, waxaana soo ifbaxaya udgoonka iyo quruxda ay leedahay nolosha lamaanaha ah. 6. gacan furnaan: gabadhu marka ay ninkeeda isku halaynayso waxyaalaha ugu horeeya ee ay fiirinayso waa sida wanaagsan ee uu u hurayo waxyaalaha keenaya in gurigu uu u ekaado mid laga fekerayo iyo mid loo quuurayo waxyaalaha dhisaya bilicdiisa iyo degenaantiisa. 7. maamulid: maamulida murugada, dhibaatooyinka, iyo ismaandhaafku waa xirfad looga baahanyahay qof walba oo doonaya inuu farxada gurigiisu noqoto mid dhamaystiran. 8. kalsooni: kalsooni daradu waa cuqdad ka dhalata kas ama kama ha u dhacdee waxyaalo uu qofku ka dareemo lamaanihiisa si farxadu u labajibaarmato qofwalba waxaa laga doonaya inuu ka shaqeeyo siduu u dhisi lahaa kalsooni adag oo aan suurto galineyn in labo lamaane isqabtaan. 9. soo jiidasho: nooca soo jiidasho ee raali galisa mid walba oo lamanaha ka mid ahi waa inuu muujiyo rabitaan, qanacsanaan iyo aaminaad dheeri ah iskuna dayaa qofwalba oo ka mid ah inuu kankale usoo jiito sidii magandkii oo kale. 10. faraxsanaan: farxada oo ah waxa aan u doonayno inay lamaanuhu helaan ayaa saamayn weyn ku leh sida loo dhiso farxad, mida aan ka hadlayona waa in qofwalbaa gaarkiisa u muujiyaa waji furnaan, ilkacadayn iyo xiiso. tobonkaas qodon ayaan oran karnaa waa tobonka qodob ee ugu muhiimsan kuwaas oo saamayn weyn ku leh sida ay u noolaanayaan labada lamaane ha ahaadaan kuwo isku cusub ama kuwo mudo soo wada joogay 👉 iga soo xariir Email:
hasan.absuge@gmail.com

Comments

hidaha iyo dhaqan

Sheeko xigmad leh

qiso jaceyl xanuun badan